Baydhabo Somaliya{WMN}-War dhawaan soo baxaya ayaa sheegaya in Xusseen Cismaan Xusseen goor dhaw iska casilay xilkii taliyaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.
Qoraal la soo dhiggay bogga Twitter-ka hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in taliyaha uu isku casilay arrimo isaga u gaar ah oo aan faah faahin guud laga bixin, isaga oo warqadiisa is casilaada la wadaagay madaxda ugu sareysa dalka.
Hasse ahaatee warar goor hore oo maanta ah soo baxay ayaa sheegaya in taliyuhu ka mid noqonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, maalmaha soo socda uu u anbabixin doono magaalada Baydhabo si uu halkaa uga bilaabo ololihiisa doorasho.