Baydhabo Somaliya{WMN}-Hadalkan ayuu ka jeediyay gudoomiyaha BKGS Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye Shir jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiisa. Waxaana uu gudoomiyaha ku sheegay in ay tahay warqaddaas mid been abuur ah.
“waa warqad ay kuwa soo saaray baraha Bulshada ay kartidooda iyo aqoontooda ay intaas ku ekaatay, aysa isku dayeen in ay u ekaysiiyaan warqadda sida mid ka soo baxaday Xafiiskayga. Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha BKGS Cabduqaadir Shariif.
Waxaa kaloo uu hadalkiisa Gudoomiyaha intaas ku daray in 21 bishan Octobar 2018 ka uu magacaabi doono gudiga doorashada KGS, doorashadana ay ku dhici doonto xiligii loogu talo galay.