Baydhabo Somaliya{WMN}-Khudbad uu ka jeediyay shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir guddoominayay Madaxweynaha ayaa ku wargeliyay Golaha Wasiirada in shirkooda todobaadka soo socda ku ansixiyaan sharciga doorashooyinka, isla markaana ka gudbo Baarlamaanka, si Soomaaliya doorasho uga dhacdo.
“Waxaan ka hadalnay inclusive politics oo ah siyaasadda loo dhan yahay, waxaan idinka codsanayaa todobaadka soo socda in aad ansixisaan sharciga doorashooyinka, si annaga ay nooga dhammaato Xukuumad ahaan, oo sanadkan dhammaandkiisa ay baarlamaanki u ansixiyaan si uusan waqti nooga lumin, in aan ku daba galno golaha shacabka, oo si doorasho loo qabto 2020-ka ay ansixiyaan sharcigaas”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca kale qaar ka mid ah Axsaabta siyaasadda ayaa wax lala yaabo sida Madaxweynaha u dedejinayo sharciga doorashooyinka, iyadoo aan wadatashi laga sameyn.