Baydhabo Somaliya{WMN}-Musharax oo ah Waziirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.
C/casiis Lafta Gareen ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana lagu wadaa inuu Baydhabo kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa.
Wararka ayaa sheegaya in socdaalkiisa ay ku wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo saaka ka raacay magaalada Muqdisho.
Diyaarad siday gawaarida aan xabadaha karin iyo Ilaaladiisa ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, waxaa la filayaa inuu noqdo Musharaxa ugu culus.
Lafta Gareen mar oo lahadlaayay dad weyni hii soo dhaweeyay hadaladiisa waxaa kamid ahaa