Baydhabo Somaliya{WMN}- Gudiga Doorashada oo ka Koban 27 Xubnood ayaa kulan koodi Manta ku Soo Saray Sharciyada iyo Waxyabaha Laga Rabo Musharaxiinta
Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu soo bandhigay shuruudaha laga rabo inay fuliyaan Musharaxiinta ka hor inta aysan araajidooda gudbin iyo marka ay gudbiyaan.
Shuruudaha ayaa waxa ka mid ah inuu yahay muwaadin Soomaali ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana aanu qabin Xaas Ajnabi, in aanu gelin dambi culus oo ay Maxkamad xukuntay in da’diisa ka yareyn 40 sano.
Waxaa kaloo shuruudaha ka mid ah in Musharaxa haya xil in ka hor inta aanu soo gudbin musharaxnimadiisa uu iska casilo xilkaas, kuna soo lifaaqo warqad cadeyneysa in laga aqbalay istiqaaladii xileed.
Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah in Musharaxa uu bixiyo lacag dhan 20-kun oo dollar, halka haweenka Musharaxiintana laga rabo 10-kun oo dollar.
Afayeenka Gudiga Doorashada Kgsomalia Amiin Mahamed Farax Ayaa Akhriyey Warqada Kasoo Baxdey Gudiga
Halkan hoose ka Dhageyso kana akhriso shuruudaha Musharaxiinta Madaxweynaha Koofur Galbeed.