Baydhabo Somaliya{WMN}-Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ayaa yeeshay Kalfadhiga 4 aad Kulankiisa 4 aad,waxaana Kulanka shir gudoomiyay Guddomiye ku-xigeenka 1 aad Abshir Maxamed Axmad(Bukhaari.
Kulanka Maanta oo ka koobnaa dhowr Ajande ayaa waxaa siweyn looga hadlay doorashooyinka ku soo fool leh deegaanada Dowlad goboleedyada sigaar ah Maamulka Koonfur Galbeed.
Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ayaa ka digay in faragelin lagu sameeyo doorashooyinka ka dhici doono deegaanada dowlad goboleedyada gaar ahaan tan Maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaanahaan ay cabasho ka imaaneysay.
Gudiga ayaa waxa ay sheegeen in Dowlad goboleedyada ay xaq u leeyihiin inay doortaan cidii ay rabaan,isla markaana marnaba aan loo baahneyn in la farageliyo.
Xoghayaha Joogtada ee Golaha aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u Akhriyay war-Saxaafadeed ay soo saareen.