Baydhabo Somaliya{WMN}-Kulan Deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Xubnaha golaha isbedel doonka ah ee kgs waxay soosaareen qodobada hoos ku xusan
1- Golaha wuxuu soo dhoweynayaa is-casilaadda Madaxweynaha KGS Mudane Shariif Xasan
Sheekh Aadan oo xilkiisu ku ekaa 17ka November 2018 iyo ka tanaasulidda xuquuqdiisa
dastuuriga ee u tartanka xilka madaxweynanimo 2018-2012ka, waxaan u rajaynaynaa khayr
iyo barwaaqo.
2- Sida uu qabo Dastuurka KGS, goluhu wuxuu si buuxda u ayidayaa in Guddoomiyaha
Baarlamaanka KGS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa si KMG ah u hayo xilka
madaxweynaha ilaa iyo inta laga soo dooranayo madaxweyne cusub, daadihiyana habka iyo
hanaanka doorashada.
3- Goluhu wuxuu ku baaqayaa in xubnihii guddiga doorashada ee is casilay 5/11/18 la soo
buuxiyo boosaskoodii, xubnaha cusubna lahorgeeyo baarlamaanka si loo ansixiyo.
4- Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqayaa guddiga doorashada howlihii uu soo qabtay oo ay ka mid
yihiin habraaca, shuruudaha musharaxnimada doorashada madaweynaha KGS iyo
diiwaangelinta musharaxiinta yihiin sharci waxna laga beddeli karin.
5- Baarlamaanka KGS iyo guddoonkiisa ayaa ah hay’adda ugu sareysa oo leh go’aanada lagu
maareynayo marxaladda kala guurka, waxaana ugu baaqaynaa inay qiimeeyaan maalmaha
shaqada guddiga doorashada hakadka ku jiro, iyo duruufaha kale ee jira dibna u dhigaan
doorashada si loo abuuro jawi wanaagsan oo ay doorasho ku dhici karto.
6- Sida uu qabo dastuurka Federaalka iyo kan KGS, doorka kaga aadan Wasaaradda Arrimaha
Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee doorashada KGS waa
kor joogtayn kaliya.
7- Golaha wuxuu mar kale ku baaqaayaa in si deg deg ah loo dhiso guddi madaxbanaan oo la
dagaalanka musuqmaasuqa doorashadana lagu qabto goob dhexdhexaad ah.
8- Waxaan ugu baaqaynaa madaxweynaha KMG in la ilaaliyo hantida maamulka KGS.
9- Goluhu wuxuu ugu baaqayaa hay’ahada amniga inay adkeeyaan amaanka guud lagana
hortago wixii khal khal gelinaya xasiloonida guud.
10- Waxaan ka codsanaynaa Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo
deeq bixiyaasha USA, UK, France, Sweden, Norway, Denmark, Finland, Italy, Germany iyo
dhamaan wadamada khuseeya arrimaha Soomaaliya inay nagu garab istaagaan sidii doorasho
daahfuran oo dimoqraadi ah uga dhici lahayd KGS.
11- Ugu dambeyn, waxaan dhamaan shacabka, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha kala
geddisan ee bulshada Koonfur Galbeed ugu baaqaynaa in si wadajir ugu shaqeeyaan amniga
iyo nabadda una hogaansamaan sharciga iyo kala dambeynta nidaamka dowladeed.
Xubnaha Golaha Isbedeldoonka:
1) Xuseen Xasan Cabdi
2) Sheekh Mukhtar Robow
3) Amb Sayed Axmed Sh Daahir
4) Eng Salah Sheekh Cusmaan
5) Xasan Xaaji Ibraahim
6) Maxamed Aden Ibraahim
7) Yuusuf Macalin Amin
8) Adan Maxamed Nur (Saransoor)