Baydhabo Somaliya{WMN}- Cabdiweli Maxamed Ibraahin oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku dhintey qarax ka dhacay goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa intooda badan waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kadib markii dhowaan ay galeen fasax labo bilood ah.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loogu xirey baabuur nooca raaxada ah ee uu watay xildhibaanka.
Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahin ayaa noqonaya xildhibaankii 4aad ee ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle oo ku dhintey qarax ama weerar ay fuliyeen Al-Shabaab.