Baydhabo Somaliya{WMN}- Waxaa soo baxaya faahfaahin ku aadan dagaal geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Mooyaale ee xadka u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya.
Inta la ogyahay waxaa dagaalka ku dhintey illaa toban ruux halka dad kabadan tobana ay ku dhaawacmeen. Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeyo qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Dagaalkan oo maalintii labaad galay maanta ayaa waxaa lagu gubay guryo iyo xafiisyo ay dad rayid ah lahaayeen.
Ma jirto cid weli kala dhex gashay, wararkuna waxay sheegayaan inuu dagaalku weli socdo.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in boqolaal qoys ay u qaxeen dalka Kenya iyagoo ka gudbay xadka u dhexeeya labada dal.
Magaalada Mooyaale ayaa mar walba waxaa ka dhaca dagaalo sokeeye iyadoo ay ku dagaalamaan Soomaalida iyo Oromada oo ku wada nool degmadaas.