Baydhabo Somaliya{WMN}-Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa kulmay iyagoona ujeedkoodu ahaa sidii ay ansixin lahaayeen gudiga qabanqaabada doorashooyinka koofur galbeed oo la magacaabayay kadib markii ay gudiga joogtada baarlamaanka koofur galbeed ay todobaadkii hore dabayaaqadiisa ay laaleen gudigii xubnihii ka soo haray gudigii hore ay aqlabiyadiisa iscasishay.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad BKGS Maxamed Nuur Macalin Maxamed ayaa xildhibaanda hortooda ka aqriyay magacyada gudiga cusub ee la magacaabay ee qabanqaabinayay doorashada koofur galbeed ee waqigii ay dhici lahayd lagu kordhiyay laba todobaad.
Sidoo kale waxaa uu sheegay gudoomiye Maxamed Nuur Macalin Maxamed in gudigan cusub ee la magacaabay ay raaci doonaan hab raacii gudigii hore oo ay jiri sidooda u jiri doonaan dhamman hoowlihii ay soo qabteen, iyadoo gudiga cusub kaliya dhamaystiri doono intii u harsanayd haddii ay haan lahayd qabashada codsigiga musharaxiinta iyo diiwaangalintooda, kuwii horay isku diiwaangaliyay isla markaana shahaadooyinka la siiyay ay ansax yihiin.
Waxaa la guda galay codaynta xildhibaanada gudiga.
134 xildhibaan ayaa haa ku codaysay 2 mudane ayaa diiday halka laba mudane kalne ay ka aamuseen sidaana uu ansax ku noqday gudiga qabanqaabada doorashada KGS oo ka koobnaa 15 xubnood. Waxaana natiijada ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee BKGS Maxamednuur Macali Maxamed.
Codaynta iyo ansixinta gudiga ayaan wax ka weeydiinay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka koofur galbeed sida ay codka aqlibiyadda le ugu ansixiyeen
Sidoo kale ugaas Axmed xaaji xasan iyo mid ka mid ah ururada bulshada rayidka ah waxayna fikirkooda iyo sida ay u arkaan gudigan ka dhiibteen aragtidooda.
Gudigan magacaabistiisa iyo kalsooni siintiisa aqlabiyadda leh waxaa ay hordhac u tahay sida ay noqon doonto doorashada koofur galbeed taasoo ay naga xigto kaliya maalmo kooban oo bulshada rayidka ah ka dhur sugayaan xildhibaaanada Koonfur galbeed iyo halka ay dhigi doonaan masiirka shacabka koofur galbeed.