Baydhabo Somaliya{WMN}-Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay ku soo hareen saddex maamul ayaa war saxaafadeed ka soo saaray go’aankii Aqalka Sare ee ku aadanaa xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
War saxaafadeed uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadda ah Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ayaa lagu sheegay in si kalsooni ku jirto u soo dhoweynayo dadaalka iyo mowqifka Aqalka sare ee awooda u siinayo dastuurka si ay dowlad goboleedyada u helaan matalaad dhab ah hanaanka Federaalka.
Sidoo kale Golaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo sidii xal loogu heli karo khilaafaadka jira oo salka ku haya sidii loo fulin lahaa wixii lagu balamo oo ah dan Soomaaliyeed.