Afar iyo toban maalmood ayaa lagu daray doorashadii KG ka dhici lahayd, waxaana ay sheegeen gudiga doorashooyinka doorashada, in ay u baahdeen waqti dheeri ah, kadib markii ay mudadii hore ay ku yaraatay iaydoo wali gudiga helin tababar, xildhibaanada wax dooranayana laftirkooda helin tababar lagu barayo sida wax loo doorto iyo agabkii suurta galin lahaa doorashada oo wali gudiga soo gaarin.
Dib u dhac ayaa ku yimid madashii loo balansanaa ee doorashada Koofur galbeed oo lagu waday in ay dhacdo shanta bishan December ee sanadkan kadib markii ay kulmeen gudiga qabanqaabada doorashada koofur galbeed.
Laba todobaad oo ay ka bilaabanayso shanta December ayaa lagu daray doorashada taasoo ku began maalin arbaco ah taariikhduna tahay 19 ka December.
Nuur Ibraahim waa xog-hayah gudiga qabanqaabada doorashada waxaa uu sheegay warbaahinta mudda kordhinta waxyaabaha keenay in markale dib ay u dhacdo doorashada.
Mudda kordhintan ayaa timid xili labadii maalmood ee la soo dhaafay la hadal hayay in waqtiga doorashada tiro maalmo ah lagu dari doonooo, taasoo dhacday gudiga doorashadana ay ku dhawaaqeen , waxayna sii yaraynaysaa rajadii laga qabay in ay ka dhacdo koofur galbeed doorasho xor iyo xalaal ah.