Baydhabo Somaliya{WMN}-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal oo tani iyo markii uu Muqdisho dib ugu soo laabtay kulamo gaar gaar ah la yeelanaayay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Labadiisa kuxigeen ayaa kulamada qaar la isku fahmi waayay.
Kulamada qaar oo qaatay saacado badan ayaa kii ugu dambeeyay ee la isku fahmi waayay waxaa ahaa mid xalay si gaar ah u dhex maray Guddoomiye Mursal, Ra’iisul Wasaaraha iyo Kusimaha Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida.
Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin.
Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah
1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo
2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin
3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii guddoomiyaha Baarlamaanka uu uga tanasuli lahaa qodobada uu ku dhegan yahay
1 comment
Your comment is awaiting moderation.
Maxamed Murasal ma caliga ayuu la’yahay?
Sow ma arko wixii ku dhacay Jawaari?
Sow ma arko wixii ku dhacay Shariif Xasan (Shariif Sakiin)?
Kheyre cayaar ma yaqaan.
Qofkii ka hor timaada il iyo goon buu fujinayaa.