Baydhabo Somaliya{WMN}-Hay’ada Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn MSF ayaa sheegtay in lagu qasbay in ay joojiso howlgaladii ay ku badbaadinaysay dadka tahriibayaasha ah ee badda Mediterraneanta.
MSF ayaa ku eedeysay qaar kamid ah wadamada qaarada Yurub inay sabab u yihiin tallaabadan ay qaaday kadib markii cadaadis xoog leh ay kala kulantay.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa soo dhoweeyay go’aankan ay gaartay hay’ada MSF waxana uu boggissa twiterka ku soo qoray.
“Way wanaagsan tahay in la yareeyo soo galootiga soo safraya oo imanaya iyo weliba dhimashada ku iman lahayd.”
Markabka Aquarius oo ay hay’ada MSF u isicmaali jirtey inay ku soo badbaadiso tahriibayaasha ayaa waxaa uu mudadii u dambeysay ku xayirnaa dekeda ku taal magaalada Marseille.
Aquarius ayaa ahaa markabkii ugu dambeeyay ee hay’adaha samafalka ee ka shaqeynayay badda Mediterranean si ay u soo badbaadiyaan dadka tahriibayaasha ah.
Mr Salvini ayaa ku eedeeyay hay’ada MSF inay iskaashi la leedahay dadka wax tahriibiya kuwaasoo soo saara dooman yaryar tahriibayaal ka soo cararay qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika.
Siyaasada dowlada Talyaaniga ayaa hadda noqotay in tahriibayaasha soo gaara xeebaheeda in dib loogu celiyo dalka Libya.
Tirada dadka soo galootiga ah ee gaaraya dalka Talyaaniga ayaa si weyn hoos ugu dhacay sanadkan kadib markii la burburiyay shabakadaha dadka tahriibiya ee dalka Libya lana kordhiyay ilaalinta xeebaha.
Hay’ada IOM ayaa diiwaangelisay in sanadkan ay ku geeriyoodeen labo kun oo ruux marka lala barbar dhigo sanadkii ka sii horeeyay oo saddex kun oo ruux ay dhinteen.