Baydhabo Somaliya{WMN}- Foowsi oo ah Af-hayeenka Golaha Aqoonyahanada KG ayaa mar uu u waramayay Idaacadda Warsan, waxaa uu dareen xoog leh ka muujiyay doorashada 19 ka bishan December ka dhici doonto KG, isagoona xusay in aysan u muuqanin ifafaalo wanaagsan oo laga sugu karo natiijada doorashada dhici doonto.
Waxaa uu sidoo kale aqoonyahan Foowzi sheegay in dib u dhaca badan eek u yimid Doorashada KG ay ka Gole Aqoonyahan ahaan ka dheregsanyihiin sababihii keenay doorashada in dib loo dhigo.
“baydhabo lagama weeynin makiinado wax lagu daabaco, waraaqo, kuraas iyo inkaaniyaadka ay u baahanyihiin gudiga qabanqaabada doorashada KG”. Dhammaan waa marmarsiinyo lagu xalaalaysanayo doorashada iyo in la keeno KG madaxweyne DFS ay wadato.