Baydhabo Somaliya{WMN}- Senatada Aqalka Sare ku matala Koofur Galbeed ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee ka jirta magaalada Baydhabo, kaddib markii maanta magaalada Baydhabo ay ka dhaceen rabshado iyo iska hor imaadyo ka dhashay xariggii Mukhtaar Roobow.
Senatada ayaa ku baaqay in dib loo dhigo doorashada Koofur Galbeed, sidoo kale waxay dowladda ka dalbadeen inay sii deyso Mukhtaar Roobow, si uu doorashada uga qeyb galo, waxaa kaloo ay ku eedeeyeen Ciidamada AMISOM ee Itoobiya inay ku milmeen siyaasadda loona adeegsaday faragelinta doorashada Koofur Galbeed.
Halkan hoose ka akhriso:-