Baydhabo Somaliya{WMN}- Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaanoo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladasiyaasadeed ee xiligan ka taagan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.
Maxamed Mursal ayaawaxaa cambaareeyay xariga loo geystay Musharax Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur, isagoona xarigaasi ku tilmaamay inuu ahaa mid sharci daro ah, waxaauuna xukumada soomaaliya ku dhaliilay inay fara gelin ka wado doorashadaMaamulka Koofur Galbeed.
Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu dalbaday in musharaxa dib looga sooceliyo xuriyadiisa, islamarkaana uu u tartamo xilka Madaxweynaha MaamulkaKoofur Galbeed Soomaaliya.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa waxaa uu shacabka kooofur Galbeed ugu baaqay in ay is dejiyaan, islamarkaana ay nabada ka shaqeeyaan
Halkan hoose ka akhriso:-