Baydhabo Somaliya{WMN}- Sida ku qoran jadwala ay soo saareen gudiga doorashada beri oo axad ah waa maalintii ugu horaysay qudbad jeedinta Musharixiinta u tartamaysa doorashada madaxweyninimada Dowlad Goboleedka KGS.
Mana muuqato ilaa iyo iminka wax isbedel ku yimid jadwalka gudiga qabanqaabada doorashada.
Shir jaraa’iid ay shalay ku qabteen gudaha Magaalada Baydhabo , waxay kaga hadleen arimaha doorashada KG, waxayna go’aamiyeen in doorashada dib loo dhigo sida uu leeyahay Malaaq Deeroow Yacquub oo ah af-hayeenka Golaha Malaaqyada.
Sidoo kale Malaaq Deeroow waxaa u bulshada ugu nasteexeeyay in arinta Mukhtaar rooboow xarigga loo gaystay ay odayaasha ka gami doonin oo ay ka dhiidhin doonaan, balse ay is dejiyaan, oo ay joojiyaan mudaaharaadyada isla markaana ka fogaadaan qaribaada magaalada iyo xasiloonideeda.
Malaaq shine oo isna ka mid ah Golaha Odayaasha dhaqanka ayaa bulsha weeynta u sheegay in ay ku qanacsanaadaan iyagana ay yihiin hogaamiyayaashooda, marnaba telinaynin in la dhibaateeyo, sidaasi darted ay is dhimriyaan, dibad baxana ay joojiyaan marka ay soo gaarto fariintooda warbaahinta ay u marinayaan.
Halkan hoose ka akhriso:-