Baydhabo Somaliya{WMN}- Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Siciid Deni ayaa la kulmay Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo maanta gaaray magaalada Garoowe.
Wafdigan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda Puntland oo uu hogaaminayay wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa inta aan la qaban doorashada Puntland loo diiday inay tagaan magaalada Garowe hase yeeshee guuldaradii ka soo gaartay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa isbedel ka dhalisay siyaasada Puntland.
Wafdiga ka socday Dowladda Federaalka ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni guusha uu ka gaaray doorashadii saaka ka dhacday Garowe,waxayna ka codsadeen in uu wanaajiyo xiriirka u dhexeeya dowlada federalka iyo Maamulka Puntland.