Baydhabo Somaliya{WMN}- Kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya ahna ku xigeenka ergeyga gaarka ah Raisedon Zenenga ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland Cabdulaahi Deni iyo Axmed Cilmi Karshe doorashadii ay shalay ku kala guuleysteen.
War Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska UNSOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in kusimaha ergeyga qaramada midoobay waxa uu u hambalyeeyay guddiga doorashada Puntland, sida ay u diyaariyeen doorashada ku dhacday sida nabadda ah.
“Waxaan rajeyneynaa in aan si dhow u wada shaqeyno Madaxweyne Deni.”ayuu yiri Mr Zenenga.
“Waxaan sidoo kale aan ammaan u soo jeedinaynaa Madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ iyo maamulkiisa sida ay u maamuleen in si nabadgelyo ah awooda la isugu wareejiyo isla markaana suurtogeliyay jawi wanaagsan oo ay guddiga doorashada waajibaadkooda ugu guteen.”