Doorashada kursiga xildhibaan geeeriyooday oo ka tirsanaa BFS ayaa lagu wadaa in ay lagu qabto beri magaalada Baydhabo oo qaban qaabadiisa Baydhabo ka socoto iyadoo ay jirto tabashooyin ka imaanaya Odayaasha oo ku aadan qaabka gudiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka u maamulayaan doorashada.
Kani waa xildhiabaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uu ka soo horjeedaa in ay dhacdo doorashada inta laga xalinayo ergada wax dooranaysa qaabka loo soo xulay oo muran badan ka taaganyahay iyo gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ka noqonayaan ayuu yiri kuwo dhexdhexaad ka ah doorashada oo uu xildhibaanka carabka ku adkeeyay in ay gudiga dhinac la safan yihiin oo ay doonayaan in ay ku kacaan doorasho dhan u badan, isagoona ka digay xildhibaanka in haddii ay doorashada qabsoonto iyadoo loo dhamayn wixii cawaaqib xumo ka dhasho mas’uuliyadeeda in ay qaadi doonaan Gudiga madax banaan ee doorashooyinka qaranka.
Inkastoo xildhibaankan uu jeediyay baaqan, haddana gudaha madaxtooyada waxaa ka socda qabanqaabada doorashada oo ay ku hoowshoonyihiin gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka kuwaasoo ku adkaysanaya wali in beri ay dhici doonto doorashada kursigan laguna kala bixi doono.