Baydhabo Somaliya{WMN}- Magacaabistii golaha wasiirada Koonfur Galbeed ee dhowanahanba la dhoowrayay ayaa maanta lagu dhawaaqay, waxaa la magacaabay ilaa toban wasiir oo ka mid ah xukuumadada Koonfur Galbeed.
Waxaa golaha wasiirada lagu dhawaaqay ka mid ah ilaa sedex wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddi hore ee Shariif Xasan Sheekh Aada, waxaana laga xusi karaa wasiirkii caafimaadka Isaaq Cali Subag, oo hadda loo maga caabay wasiirka Amniga, wasiirkii waxbarashada Maxame Abuukar Cabdi oo isna loo magacaabay wasaaradda arimaha gudaha.
Waxaa magacyada wasiirada ku dhawaaqay Af-hayeenka madaxtooyada KGS Nuraddiin Abuukar Yuusuf Gacmadheere.
Ku dhawaaqista golaha wasiirada kadib madaxweeynaha Koonfur Galbeed waxaa uu u ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana safarkan uu ugu baxay muqdisho noqonayaa kii ugu horeeyay uu madaxweynaha ku aado magaalada Muqdisho tan iyo markii ku guulaystay doorashadii ka dhacday 19kii December 2018kii.