Baydhabo Somaliya{WMN}-Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa walaac ka muujiyay qorshaha loogaga saarayo ciidamo ka tirsan AMISOM deegaano kamid ah dowlad goboleedka Hirshabelle.
Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar Golaha Wasiirada Hirshabelle uuna shir guddoominayay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, sidoo kale oo uu goob joog ka ahaa madaxweyne kuxigeenka Hirshabeele Cali cabdulaahi Xuseen ayaa looga hadlay guud ahaan amniga deegaanada Hirshabeele, iyo ka bixitaanka ciidamada midowga Africa ee AMISOM oo la sheegay in 1000-ka askari ee dalka soomaaliya ka bixi doono sanadkan laga saarayo Hirshabeele, gaar ahaan gobalka shabeelaha dhexe.
Ugu horeyn, golaha wasiiraada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaarada Amniga Hirshabeele oo soo gudbisay in meel fiican ay marayaan howlgalo lagu sugayo amniga iyo in bishaan gudaheeda tababar loo soo xeri doono kudhawaad 200 oo askari kuwaas oo noqonayo ciidanka ugu horeeyay oo boolis ah oo uu yeesho maamulka Hirshabeele,
Afhayeenka dowlad gobaleedka Hirshabeele Daa’uud Xaaji Cirro oo warbaahinta la hadlay markuu kulanka soo dhamaaday ayaa sheegay maamulka Hirshabeele walaac uu walaac weyn ka qabo bixitaanka dalka ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM.
Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeele, Maxamed Cabdi waare, ayaa maalin ka hor kulan uu kula yeeshay magaalada muqdisho madaxa howlgalada amissom ee dalka Soomaaliya Francisco Madeira, waxa uu kala hadlay qorshaha uu wado Midowga Afrika ee la doonayo in 28-ka bishan dalka looga saaro 1,000, Madaxweyne Waare, ayaana u sheegay madaxda midowga Africa arintaaan in ay tahay mid xanuun badan in Ciidamada Burundi oo badankooda ka howlgala Sh/Dhexe in dalka laga saaro.
Ciidamada Nabad Ilaalinta dalka Burundi ayaa waxa ay joogaan inta badan degmooyinka gobolka Sh/dhexe waxana saldhigoodu ugu weyn uu ku yaal duleedka magaalada Jowhar.