Xili Saacado Ka hor Dikreeto Ka soo Baxdey Xafiiska Madaxweynaha KGS C/siis Xasan Maxamed Lafta Gareen Lagu Magacaabey Waziiradii Ka Harsanaa Xukuumada KGS Ayaa Waxaa Qaar Ka Mid ah Xubnihii Loo Magacaabey Xilka Waziirnimo Ku Dhawaaqen iney iska Casileen Xilka Loo Dhiibey
Xildhibaan C/salaan C/lahi Yalaxow oo Loo Magacaabey Waziir Ku Xigeenka Wazaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka KGS Ayaa Ku Dhawaaqey inuu iska Casiley Xilka Loo Dhiibey wuxuu Taasi Sabab uga dhigey iney Awood Qeybsi ahaan Beeshiisa Mudneyd Waziir Ku xigeen in Lasiiyo Xuquuqda KGS Ay ku leeyihiina Lagu Xad gudbey Sidaasina uu iskaga Casiley Xilkaasi .
Horey Wuxuu u ahaa Waziir ku Xigeenkii Wazaarada Warfaafinta KGS Hadana Waxaa Loo Magacaabey Waziir Ku Xigeenka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka KGS. Lama Garanayo Sababta Xukuumadii hore ee Shariif Xasan ugu Qanacsanaa Waziir Ku Xigeen Maantana uu Ku Saluugayo Xilka Loo Dhiibey .