Baydhabo Soomaaliya{WMN}-Kala fadhigii 7 aad kulankiisa 2 aad oo maanta ay yesheen xildhibaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay wasiiradii dhwaan uu soo magacaabay madaxweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) wasiiradaan la ansixiyay ayaa waxay garayaan 50 wasiiro iskugu jiraan 25 wasiiro 25 wasiiro kuxigeen.
Kulankaan baarlamaanka kg ayaa waxaa soo xaadireen 124 mudanay 123 cod ayaa si aqlibiyad ah mudaniyaasha baarlamaanka kg ku ansixiyeen halka 1 cod diiday.
Inta baarlamaanka koonfur galbeed codkooda siinin wasiiradaan ayaa madaxweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed waxaa uu lahadlay xildhibaanada asigoo kacodsaday in si kalsooni ah ay ugu codeyaan wasiiradaani madaxweynaha ayaa tilmaamay in wasiiradaan ay hor yalaan howlo culus iyo in ay ushaqeyaan shacabkooda si liskugu xiro gobolada koonfur galbeed soomaaliya.
Madaxweyne lafta gareen ayaa sheegay ansixinta wasiiradiisa kadib labilaawi doono in laga shaqeeyo horumarada degaanadaan amniga waxbarashada caafimaadka ganacsiga arimaha barkacyaasha iyo shaqo abuur ay helaan boqolaalka dhalinyaro ee shaqo la’aanta ku ah degaanadaan koonfur galbeed,
madaxweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa baarlamaanka ugu mahadceliyay sida ay u ajibeen cadsiga ah inay ansixiyaan wasiirada cusub wuxuuna sidoo kale kubugaadiyay mudiniyaasha baarlamaanka koonfur galbeed inay lashaqeyaan xukuumadiisa cusub.