Baydhabo Somaliya{WMN}- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Mohamed lafta –gareen ayaa Maanta shir Gudoomiyey Shirkii ugu horeyay Ee Gollaha wasiirada Cusub Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soomaaliya ,
Waxana Shirka Ka soo qeyb Galey Dhamaan Wasiirada iyo Wasiir Kuxigeenada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,
Kulanka ayaa ugu horeen isku bartay golaha wasiirada kg iyo madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed.
Waxana inta Badan looga Hadley Sidii ay Xilka ay isugu wareejin lahaayeen Wasiirada Cusub iyo Kuwa Hore sido kale sidii loo dar dar galin lahaa wax ka qabashada Dhibaatooyinka Ka Jira deegaanada Koonfur galbeed, ay ka mid Yihiin Biyo yarida ,Amniga Caafimadka , waxbasharada , Cadaalada Iyo Furidda jidadka ay go’doomiyay Maleeshiayada Al shabaab.
Marka shirka soo dhaamaadey waxaa warbahinta la hadley Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Ugaas xasan cabdi Mohamed
Shaley ayey Eheed Markii Cod Akhlabiyad ah ay ku ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur galbeed Soomaaliya Gollaha Wasiirada Cusub Ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed soomaaliya.