Baydhabo Somaliya{WMN}- Wariyayaasha ka hoowlagala Magaalada Baydhabo iyo hogaanka ururka suxufiyiinta Koonfur Galbeed ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed iyo wasiir ku xigeenkiisa Maxame Aadan Maxamed.
Hogaanka suxufiyiinta Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaa ay kulankooda iskula soo qaadeen sidii Dowladda iyo saxaafadda u wada shaqyn lahayd isla markaana loo hagaajin lahaa xiriirka wariyayaasha iyo dowladda si ay iskula jaanqaadaan, bacdamaa uu maamulkii hore meesha ka baxay, maamul cusubna uu meesha yimid.
Kulanka wariyayaasha hogaankooda iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed wasiirka iyo wasiir ku xigeenka ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday is afgarad, iyadoo lagu balamay wada shaqayn iyo in maamulka iyo wariyayaasha si wada jir ah ugu wada shaqeeyaan horumarka maamul goboleedka.