Baydhabo Somaaliya [WMN}-Koonfur galbeed waxaa ka aas aasmaya nidaamka axzaabta oo dadka horey uga baraagsaneyn,waxaana bilowdey soo bandhigida xisbiyada si ay dadka isku diiwaan geliyaan,taasoo si loogu sharaxo ay hoogamiyasha axzaabta bilaaben iney qabtaan kulamo ay dadka uga sharxayan faa,iidooyinka axzaabta.
Xarunta Koonfur galbeed ee Baydhabo waxaa lagu soo bandhigey xisbi lagu magacaabo aayaha mustaqbalka kaas oo ay aas aasen siyaasiyin kazoo jeeda koonfur galbeed,Dr fowzi cabdi nuur oo aqoonyahana ka mid ah ayaa sharaxaya muhiimada xisbiyada.
Saliimo Sheekh Shuceyb oo ah xubin ka tirsan Xusbiga ayaa sheegey in haweenka loogu baahanyahay iney ka muuqdaan xanaanka axzaabta dalka,kaasoo ah midka keliya ee haweenku ku heli karaan saamigooda.
Xaaji cadow oo horey uga tirsanaa xildhibaanada fadaraalka Soomaaliya hadana ah siyaasi ah ayaa ka Hadley tariikhda xisbiyadii soo marey dalka sanadihii 60-meemyadii.