Madaxweynaha Ayaa Xariga Ka jarey Dhismaha Cusub ee Groonka Diyaarada degmada diinsoor iyo wado isku xirta garoonka iyo magaalada gudaheeda ka dib markii saakey uu booqosho ku tagey degmadaasi
Waxaa safarkiisa ku wehliyey labadiisa gole ee baarlamaanka iyo waziiradiisa iyagoona halkaasi ku soo dhaweyeen maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada madaxweynaha munaasabada xarig jarka ayuu hadalo ka jeediyey
Sido kale madaxweynaha waxuu bulshada reer kgs uga tacsiyeyey dadkii ku dhintey qaraxii miino ee maanta ka dhacay deegaanka goof guduud buurey ee gobolka baay isagoona alle uga baryey in uu u booga dhayo dadka dhibka soo gaarey
Waa Markii ugu Horeysey uu Madaxweyne Lafta Gareen Safar Ku Gaaro tan iyo Markii Loo Doortey Hogaanka KGS .