Inta badan dadkii kunoolaa degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa bilaabay in ay halkaasi iskaga baxaan ka dib markii uu halkaasi ka dhacay dagaal ay ku dhinteen ku dhawaad 20 ruux oo u dhaxeeyay labo Maleeshiyo oo degaanka ah.
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Kooxihii dagaallamay ay wali isku horfadhiyaan duleedyadda degaanka, islamarkaana maanta dadkii ugu dambeeyay ay bilaabeen in ay degaanka ka baxaan.
Maamulka Galmudug ayaa ku guuldareystay in uu Ciidan kala dhex dhigo Kooxaha dagaallamaya, waxaana la sheegay in labadda Kooxood ay waddaan hub aruursi.
Qaar ka mid ah waxgaradka Magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Caabudwaaq ayaa wadda dadaallo kala duwan oo dagaalka lagu joojinaayo, Maadaama ciidanka dowladda ee halkaasi ku sugan aysan kala dhexgalin.