Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhawaanahanba ku sugnaa dalka Kenya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, waxaana garoonka Baydhabo ku soo dhaweeyaya qaar ka tirsan labadiisa gole, oo uu horkacayo gudoomiyaha BKGS Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.
Madaxweynaha oo madaxtooyada loo soo galbiyay isaga wafdigii la socday kadib ayaa hadalo soo dhawayn ah waxaa jeediyay gudoomiyaha BKGS Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.
Kadibna madaxweynaha Ayaa warbaahinta uga warbixiyay safarkiisii Nairobi iyo kulamadii uu halkaasii uga qayb galay.