Baydhabo Somaaliya,{WMN}-Idaacada Warsan ee Magaalada Baydhabo waxaa
ay qabatay dood ku saabsan doorka haweenka ay ku leeyihiin siyaasada
Dalka,waxaana barnaamijkan taaba gelisey hay,adda Tubta nabada
Soomaaliyeed.
Barnaamijkan lagaga doodayay doorka haweenka iyo Siyaasada ayaa waxaa
ka qeyb galey haween aad uga fir fircoon arimaha markaas laga
doodayay,iyadoona mudada barnaamijka sida tooska ah u baxayay
dhageystiyasha khadka taleefoonka kaga qeyb qaadanayeen.
Hay,adda Tubta Nabada Soomaaliyeed ayaa ah hay,ad ka shaqeysa
deegaanada Koonfur galbeed islamarkaana ka shaqeysa horumarinta
dhalinyarada iyo Haweenka.
HOOS KA DHAGEYSO
Dood ku saabsan hawenka Doorka ay kuleeyihiin Doowlada KGS