Munaasabadan oo ujeed keedu ahaa Mid Lagu Sagootinaayey Waziirkii Hore eeWazaarada Caafimaadka KGS Laguna Soo Dhaweynaayey Waziirka Cusub ee Wazaarada Caafimaadka Ayaa Ka Dhacdey Magaalada Baydhabo.
Waxaa Xaflada Soo Qaban Qaabiyey Shaqaalaha Wazaarada Caafimaadka iyadoo Ay Kasoo Qeyb Galeen Waziiro iyo Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka KGS ,Odiyaal iyo Fanaaniin .
isaaq fanax oo Ah Agaasimaha Wazaarada Caafimaadka KGS oo Munaasabada Ka hadley Ayaa Ka Sheekeyey Wax Qabadka Waziirkii Hore ee Caafimaadka Mudane isaaq Cali Subag Wuxuuna Ku Sheegey Waziirka mid Wax Badan oo La Taaban Karo Kasoo Qabtey Wazaarada .
Qaar Ka Mid ah Waziiradii Munaasabada Kasoo Qeyb Galey sida Waziirka Beeraha ,Waziirka bii’ada ,Waziirka Warfaafinta iyo Waziiro kale Ayaa Dhamaantood Ku Dheeraadey Muhiimada KGS Ay u Leedahay Wazaarada Caafimaadka iyo Sida Ay uga Howl Gashey Dhamaan Deegaanada Maamulka KGS .
Waziirada is Bedeley ee Wazzarada Caafimaadka Ayaa iyaguna Dhankooda Ka hadley Munaasabada iyagoo Sheegey in Wazaarada Caafimaadku Ay Tahay mida ugu Badan ee ay Ka Howl Galaan Shaqaale Gaareya 900 oo Dhalinyaro Taasina Ay Tahay mida Kaga Horeeyaan Wazaaradaha Kale ee Maamulka KGS .
Dhawaan Ayey Aheyd Markii Madaxweynaha Maamulka KGS C/siis Xasan Maxamed Lafta Gareen uu Soo Magacabey Waziiradiisa Cusub ee Maamulka kgs iyadoo Waziirkii hore ee Caafimaadka oo La Sagootinayey Loo Magacaabey Wazaarada Amniga KGS .