Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku guuleystay xubinnimada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ka dib doorasho boos buuxin ahayd oo ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in Cadnaan uu helay 48 cod, halka murashaxii la tartamayay ee Axmed Cismaan Xaashi uu helay 2 cod, waxaana hallaabay hal cod.
Cadnaan waxa uu beddeli doonaa Allaha u naxariistee aabbihiis Cismaan Cilmi Boqorre oo Alshabaab ku dileen Muqdisho.