Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Hay’addaha Ammaanka gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la sheegay in uu ahaa Noocadda ayaa ku qarxay Albaabka hore ee laga galo dugsiga General Kaahiye oo ku yaalla degmada Xamar Jajab.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah Wadada ku beegan Al-baabka ee horta dugsiga Jeneraal Kaahiye.
Wali si rasmi ah uma kala caddaa in gaariga uu ahaa Mid socday ama Mid lasoo dhigay Iridda dugsiga.
Goobtaan ayaa ah meel si weyn loo adkeeyo Ammaankeeda, waxaana inta badan mara Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.
Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawaca oo Qaraxaasi ka dhashay sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.