Baydhabo Somaaliya,{WMN}-Waxaa Magaalada Kismaayo ku sugan madax kala duwan oo ka kala socota Dowlada fadaraalka Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada Dalka,waxaana si gaar ah madaxdan yihiin kuwa shaqada ku leh Wasaaradaha Dastuurka iyo Gudigga arimahaas ka shaqeeya.
Magaalada Kismaayo mudo waxaa mamnuuc ka aheyd inuu ka dhaco shir Dowlada fadaraalka hogaamineyso,tani ayaa ku tuseysa in is afgarad kusoo dhamaadey wadahadalkii Mafdaxweynaha Soomaaliya iyo kan Jubaland kadib socodaalkii Axmed madoobe ee Muqdisho