Baydhabo Somaliya{WMN}-Baaritaan ay ciidamada amniga ka sameeyeen gudaha Masaajidka gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa ay ugu dambeyntii ka kaxeysteen masaajidka Iimaamka masjidka oo magaciisa lagu sheegay Macalin Cabdiraxmaan Guure.
“Ciidamo ayaa gudaha u soo galay masjidka waxayna baaritaano ku sameeyeen jameecadii Masjidka ku tukatay salaada casir kadib waxayna wateen iimaamkii masjidka,”ayuu yiri mid ka mid ah jameecada masjidka Abu-Hureyra.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada sirdoonka iyadoo uu howlgalkan ka duwanaa kuwii hore ay ciidamadu ka sameyn jireen magaalada Muqdisho.