Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi qarax lagula eegtay laba gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Boosaaso.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miinada Nooca dhulka lagu aaso,
waxaana Ciidamada lagula eegtay xili Mareyeen Xaafad ka tirsan Boosaaso, warar kala duwan Ayaana Laga Heleyaa.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in mid kamid ah gaadiidka qaraxa lala eegtay uu la socday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari C/xakiin yuusuf Xuseen,inkastoo si dhab aan loo xaqiijin.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa kadib rasaas xoogan ay fureen Ciidamada,taasi oo aan weli la ogeyn Khasaaraha ay geysatay.
Weli sirasmi ah looma oga Khasaaraha ka dhashay qaraxii Caawa lala eegtay Ciidanka amniga Magaalada Boosaaso.