Gaari nooca Wiishka ah Ayaa Rogmadey Ka dib markii uu Go’ay isteerinkii Laga Hagayey Gaariga.
Shilkan waxa uu Ka Dhacay Buundada Weyn ee Baydhabo wuxuuna Sababey Dhaawac iyo Bur bur soo Gaarey Birihii Buundada Ku Yaaley .
Inta laxaqiijiyey 2 Qof ayaa Dhaawac kasoo Gaarey oo mid Caruur yahay kan kalana Darawalkii Wadey Wiishka ah
Shilkan Waxa uu Dhacay subixii Hore ee Maanta oo Talaada ah illa waqtigana laguma Guuleysan in Wiishkii Ka dhacay Buundada Lasoo Saaro .
Labada Qof ee Dhaawaca soo Gaarey waxaa la dhigey cisbitaalka dhexe ee baydhabo iyadoo wiilka yar uu koomo ku jiro .
Maamulka degmada baydhabo iyo kan KGS Ayaan wali Ka Hadlin Musiibadaan Dhacdey Maanta.