Baydhabo Somaaliya,{WMN}-Iyadoo xafladdana uu ka soo qaybgalay aasaasihii iskuulada nadaamiga ah ee heerkiisu gaarsiisanyahay dugsiga sare Shariif Maxamed Cabdulaahi oo ah hadda xubin ka tirsan golaha shacabka Federaalka Soomaaliya.
Ardayda ka qalin jabinaysay Iskuulka ayaa tiradooda waxaa ay gaaraysay ku dhowaad laba boqol oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Aayatulaah waa maamulaha iskuulka nadaamiga Baydhabo Model Iskuul, waxaa uu ka hadlayaa heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Iskuulka tan iyo markii la furay.
Shariif Maxamed Cabdulaahi oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka BFS isla markaana u ah udub dhexaad waxbarashada Nadaamiga Koonfurta Soomaaliya burburkii kadib oo xaflada hadala kooban ka soo jeediyay ayaa la dardaarmay ardayda qalin jabinaysa.
Inkastoo xafladda ka hadleen mas’uuliyiin badan oo ka tirsan bahda waxbarashada iyo maamulka Koonfur Galbeed, waxaa gunaanadkii hadlay gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali watiin oo hogo tusaaleeyay dadkii ka soo qayb galay xafladda qalin jabinta sida waxbarashada ugu tahay umad waliba horumarkeeda.
Wasiirka waxbarashada Koonfur Galbeed Cabdiramaan Malaaq Koolkooliyoow oo dhankiisa bogaadiyay ardayda ka qalin jabinaysa Iskuulka Model isagoona xusay in wasaaradiisa ku gacansiin doonto waxbarashada sare.
Baydhabo model iskuul ayaa ah iskuulkii ugu horeeyay oo waxabarashada heerka dugsiga sare le ee laga hirgaliyo KGS, gaar ahaan Magaalada Baydhao horaantii qarniga 21 aad , waxaana tan iyo xiligaas sanad walba ka baxayay arday dhamaysatay dugsiga sare, kuwaasoo maanta xilal sare Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka iyo hay’adaha qaramada midoobay iyo NGOyada caalamiga ah.