Kusimaha Waziirka wazaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha ahna waziir ku xigeenka wazaaradda Abdullahi Isack Moalim Iyo Masuliyiin Kasocota Hey’adda Acted ayaa maanta booqday xarumo dhawaan La rabo in Laga Hergeliyo mashaariic horumarineed ee dhanka biyaha ah iyo dib u dayactir la rabo in lagu sameeyo ceelal halkaasi ku yaalla.
Goobaha wazaaradda ay kormeertay ayaa waxa la qorsheynayaa in laga dhiso xarumo iyo guryo ay wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha ay iskala kaashan doonaan hey’adda Acted oo maanta si wada jir ah u kormeereen.
Masuliyiinta wasaaradda ayaa warbixin ka dhegaystay dadka ku nool goobahaas oo dhawaan la qorsheynayo in laga hirgeliyo mashaariicdaas.