Baidoa Somaliya-{WMN}-Sanad walbana waxay ku keentaa dhimasho boqolaal dadyoowgaas ka mid ah. Iyadoo taasi ay jirto ayay dunida doonaysaa in ay ciribtirto duumada.
Maanta oo kale san ad walba waxaa la qabtaa kulamo la iska xog waraysanayo malaariyada iyo sanadkii tegay ololaha lagu ciribtirayo halka uu marayo iyo in loo jahaysto dhammaystirka qorshaha ciribtirka duumada.
Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydha bo waxaa ay ku qabatay xuska maalinta malaariyada aduunka, kaasoo sanadkaan halku dhiggiisu yahay iga bilaaw aniga baa’bi’inta taranka Malaariyada.
Cabdulaahi Maxamed Cali waa wakiilka hay’adda Caafimaadka aduunka u qaabilsan korjoogtaynta ciribtirka malaariyada ayaa ka hadlay malaariyada iyo sida ay ku faafto loogana horatagi karo.
Gudoomiya ku xigeenka Gobolka iyo gudoomiyaha ku xigeenka degmada Baydhabo Aadan iyo Sheekh Cumar ayaa iyagoo xuska maalinta maariyada ka hadlay sida ugu macquulsan ee malaariyada looga hortagi karo isla markaana bulshada looga wacyi galinkaro.
Isaaq Maxamuud Mursal oo ah agaasimaha wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo ay wasaaradiisu soo abaabushay xuska maalinta malaariyada ayaa ka sheekeeyay kiisaska malaariyada dadka ay ku dhacday ee wasaaraddu diiwaangelisay.
Sanadkan ayay hay’adaha caafimaadka ku sheegeen in uu yahay kii ugu darnaa deegaanadan Koonfur Galbeed oo ay xogaha sheegayaan in dadka ugu ay ku dhacday malaariyada ku noolyihiin gaar ahaan gobolka Baay ayay ku sheegeen in uu yahay wax afka qalaad lagu yiraahdo(Sevier) oo la macno ah xaalad adag. Taasoo wasaaradda caafimaadka koonfur Galbeed ay doonayso sanadkan in itaalkeed isugu gayso sidii ay ula tacaali lahayd faafidda malaariyada.