Baydhabo Somaliya{WMN}-Ilo wareedyo ku dhow dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in la isku bedelay Safiiraddii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalalka Switzerland iyo Hindiya oo labaduba ahaa Haween.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Labada Safiir ugu yeertay inay yimaadaan Muqdisho, iyadoo labada Safiir la isku bedelay.
Abyan Maxamed Saalax oo muddo 12 sano aheyd Safiirka Soomaaliya ee Hindiya ayaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Switzerland ahna Ergeyga Soomaaliya u fadhin doono Xafiiska Qaramada Midoobey Xuquuqul Insaanka ee Geneva.
Amb. Abyan ayaa xilkaas loo magacaabay sanadkii 2007-dii, xilligii dowladdii Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf, waa safiiraddii ugu waqtiga dheereyd dowladdihii KMG iyo tii rasmiga aheyd.
Sidoo kale Faadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) oo aheyd Safiiradii Switzerland iyo Ergeyga Xafiiska Xuquuqul Insaanka UN-ka ee Geneva ayaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya.
Safiiradan ayaa bishii hore ka aamustay qaraarkii Donald Trump ku aqoonsaday in Israel ay leedahay Buuraha Golan Heights, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay ay dowladda go’aansatay in dalka ugu yeerto, hase ahaatee waxaa cajiib ah in go’aanka dowladda uu noqday mid xil kale lagu siiyay, iyadoo ka badbaaday inay weyso xilkii Safiirnimo.