Shirkaan Jaraa’id ee uu Qabtey Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Waxaa uu Kaga Hadley Dilkii Habeen Hore loogu Geystey Magaalada Gaalkacyo 9 Ruux oo reer KGS ah
Madaxweyne Lafta Gareen Ayaa ugu horeyn tacsiyo u direy dhamaan ehelada dadkii Laxasuuqey isagoo Dadka geeriyoodeyna Alle uga baryey in uu Janadii Fardowso Ka waraabiyo .
Intaasi ka dib waxaa uu Maamul goboleedka Galmudug Madaxdeeda oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaasi Galmudug Fariin ugu direy in ay Ka Fal celiyaan oo ay gacanta ku soo dhigaan Ragii geystey Xasuuqa .
Dhanka kale isagoo hadalkisa sii wata waxaa uu baaq uu u direy dhamaan dhalinyarada reer kg eek u sugan gal mudug in ay is dajiyaan oo Labada maamul ay iska kaashan doonaan sidii Dhacdadan wax looga qaban lahaa .