Isku soo bax looga soo horjeedey Xasuuqii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee lagu laayey 9 ruux oo aan waxba galabsan ayaa ka dhacay magaalada baydhabo ee gobolka baay .
Dadka isku soo baxay oo u badnaa dhalinyaro kacareysan falkaasi Ayaa dhamaantood waxa ay ku qeyla dhaamineyeen Hadalo ku aadan sida ay uga xun yihiin dil wadareedka 9 qof loo geystey .
Kacdoonka dadka ay dhigeyeen ka dib waxaa goobta soo gaarey ciidamo boolis ah oo kala ceyriyey dadkii banaabaxa dhigayey .
Maamul Goboleedka Galmudug Ayaa Laga Dal badey in ay si deg deg ah Kaga Jawaabaan Dhacdada Ka dhacdey Magaalada Gaalkacyo iyadoo Madaxweynaha KGS uu Sheegey in gudi heer wasiiro ah u xil saareyaan Arintaasi Galmudugna Kala hadli doonaan .