Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Waxaa uu ahaa canug 6 sano jir ah oo xaafadda laga waayay kadib markii ay ka soo rawaxeen shaqada, waxaa ay deriska u sheegeen in ay arkayeen iyadoo canugga uu qof u sii wado dhinaca laamiga, waxay waalidkiis bilaabeen baadi goobka canugga waxayna baafinayeen mudo 15 maalmood ah.
Iyagoo la’a raq iyo ruux halka uu ku danbeeyay cannuggooda ayaa maalintii 16 aad lagu soo wargeliyay in laga helay qabuuraha Macali Nuur canug mayd ah oo jawaan lagu soo riday, waxaana qooyska sidaas ku soo wargeliyay ciidamada Booliska, sida Idaacadda Warsan uu u sheegay Ismaaciil Ibraahim Maxamed oo ah wiilka dhintay ee abtigiis.
Cunuggan maydkiisa la helay shan iyo toban maalmood kadib ayaa ayaa hooyadiis markii ay aragtay cunugeeda oo mayd ah oo kiliyahana lagala baxay ayaa halkii ay ku dhacday wali jiifta oo qaracan iyo moral dilaac ku dhacay oo abtiga sheegay in quraan la saarayo,
Dhacdadan ayaa gelisay argagax dhammaan dadkii degganaa kaamka uu wiilka keliyaha lagala baxay deggaannaa kaasoo ku yaala xerada Efisiyooni kaam ku yaala ee magaalada Muqdisho, waxaana Ismaaciil sheegay in ay dadka geedi u sii yhiin Baydhabo iyagoona ka baqaya in caruurteeda Esbeer laga dhigto xubnahooda jirka,
Ma’ahan canugaan kaliya inta lawaayay ee la helay iyagoo mayd ah oo xubnaha jirkooda lagala baxay sida uu uu warsan u sheegay Ismaaciil Ibraahim Maxamed.
Waa dhacdo xanuun badan oo waalidiinta Soomaaliyeed ku beertay arinta ku dhacday Qooyskaan, waana mid aan la dhayalsan Karin oo cabsi xoogan ku abuuraaysa Bulshada Soomaaliyeed iyadoo aysan jirin qaab looga hortagi karo afduubashada caruurta kuwaasoo wajahaya xaalado muujinaya ficilo gurucan oo uu baahan in waalidiinta Soomaaliyeed ka feejignaadaan shabakaddan soo ifbaxday eek a ganacsanaya xubnaha jirka bani’aadamka ee ka askunmaya dalka.