Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Dufcadii lixaad ee dhammaystay koorsooyinka kala duwan ee koleejka xirfadaha caalamiga ah IPC ayaa xaflad lagu sagootinayay isla markaana lagu siinayay Shahaadooyin ayaa ka dhacday Hoteelka Bakiin ee Magaalada Baydhabo.
Ardaydan waxay tiradooda dhamayd 163 arday oo isugu jira gabdho wiilal. Waxay dhamaysteen barashada maadooyinka kala ah caafimaadka, Computerka, luuqadda Ingiriiska iyo maadooyin kale oo ardayda barashadeeda ku guda jireen muddo iyadoo aakhirkiina ay iskuulka IPC gudoonsiiyay shahaad Diploma ah.
Munaasabadda sagootinta ardaydan waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dowlad goboleedka koonfur Galbeed oo ugu horeeyay agaasimaha wasaaradda Waxbarashada KGS, mas’uuliyiin ka socota midoowga waxbarashada kala duwan, waalidiinta awlaadoodooda ka qalin jabinaysay Iskuulka iyo marti sharaf kale.
Axmed Aadan Cabdi waa maamulaha Iskuulka IPC Baydhabo, mar uu ka hadlay munaasbadda waxaa carabaabay iskuulka iyo ujeedooyinkii loo unkay, heerarkii uu soo maray iyo halka uu maanta marayo.
Sheekh Xasan Abuukar oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa ka jeediyay xafladda hadalo taabanayay maanka iyo qalbiga ardada oo xaqiiqdii ahaa oraah waayeel, canaan Aabbo iyo dardaaran rugcadda aqoonyahan uu ku dhihi lahaa marka ay wajiyo da’yar isugu jira gabdho iyo wiilal da’yar ee jooga munaasabadan oo kale.
Proheysar Abbuu iyo muxudiin Shariif oo ku halayay magaha midowga Iskuulada Nadaamiga iyo Jaama’acadha ka jira Baydhabo ayaa labadoodaba waxay ammaaneen maamulka iyo macalimiinta Iskuulka iyagoona aad ugu bogaadiyay doorka ay qaadanayaan horumarinta waxbarashada deegaanka.
Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed oo soo xiray xafladda waana qaatay hadalkii gunta iyo gabagebada u ahaa ayaa soo jeedintiisii ku yiri oraahdan u badnayd mahad celinta iyo baraarujinta ardada isagoona ardada u balan qaaday in wasaaradda waxbarshada ku dadaali doonto garab istaagga ardada.
Iskuulkan oo loo ankuy afrsano ka hor ayaa mudadaas kooban gudaheeda sameeyay horumar dhanka waxbarashada ah, waxaana ka hanaqaaday illaa shan dufcadood oo kuwa maanta qalin jabinaya ay noqonayaan dufcadii lixaad ee iskuulkan ka qalin jabisa, taasoo Iskuulka ka dhigaysa mid ka mid ah iskuulaadka kaalimaha hore kaga jira horumarinta waxbarshada deegaanka gaar ahaan magaalada Baydhabo,