Baydhabo Soomaaliya-WMN]-Ra’iisul wasaaraha wadanka Canada Justin Trudeau ayaa ka hadlay geeridii Hodan Naaleeye iyo seygeedii Fariid Jaamac oo ku dhintay weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo.
Justin Trudeau ayaa tacsi u direy qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay Hodon Naaleeye iyo weliba dhammaan dadkii ku dhintay qaraxaas.
Ra’iisul Wasaare Justin ayaa sheegay in Hodan Naaleeye ay ka shaqeyn jirtay soo bandhigidda horumarada ka socda Soomaaliya isla markaasna geerideeda si weyn ay uga naxeen dadka reer Canada.
“Hodan Naaleeye waxa ay ahayd saxafiyad ka shaqeyn jirtay tebinta wararka wanaagsan ee taabanayo horumurka dalka, dhiirigelinta da’ yarta soomaalida,Geerida ku timid waxaa si weyn uga naxay dadweynaha Canada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dunida.”ayuu yiri Justin Trudeau Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada.
Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan xoojinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.
Justin Trudeau, ayaa sheegay in Canada oo kaashaneysa Beesha Caalamka ay ka shaqeyn doonto sidii xididdada loogu siibi lahaa xagjirnimada sida uu hadalka u dhigay.
Weerarkii Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay 26 qof oo 10 ka mid ah ay ahaayeen ajaanib u kala dhashay Waddamada Mareykanka, UK, Canada, Kenya, Tanzania iyo kuwo kale.