Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Madasha awoodaynta dhalinyarada oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS ayaa ku soo idlaaday Magaalada Baydhabo kaasoo maalmihii la soo dhaafay ka socday hool ku yaala gudaha madaxtooyada KGS.
Madashan waxaa ka qaygalay dhalinyaro ka socotay sedxda gobo lee uu ka koobanyahay Dowlad goboleedka KGS, waxaana lagu baranayay sida dhalinyarada uga qeyb qaadan lahaayeen qaraarada masiiriga ah sida dastuurka oo ay dhalinyaradu ku leeyihiin xuquuq aasaasi ah oo ku aadan qodobada dastuurka iyo kuwa u baahan wax ku darid iyo ka dhimid ka hor inyta aan la ansixinin.
Madasha oo la soo xiray waxaa gabagabadeeda ka soo qaygalay Madaxweynaha KGS, qaar ka tirsan labadiisa gole xukuumadda iyo Baarlamaanka, ayaa hadalo kooban ugu horay uu ka jeediyay madasha wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS, Abba aawoow Suufu Cafaan, isagoona dhalinyarada kula dardaarmay in aysan halkaas uga tegin wixii ay ku barteen madasha isla markaana ay horay u sii wadaan awoodda ay ka heleen maalmihii wacnaa ee halkan ay ku qaateen.
Madaxweynaha KGS, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo madasha xiritaankeedii wasiir ku xigeenka wasaaradda uu hadalka ku soo dhaweeya ayaa jeediyay khudbad runtii dhalinyarad ku abuurtay dowlad jaceel iyo wadiniyad.
“dhalinyarada waayeheeni oo kale ma helin, waxay noqdeen kuwa calafkooda ugu simay in ay ku hanaqaadaan dal fowdo iyo dowlad la’aan gilgishay oo ku jira xili kala guur ah, oo laga soo kabanayo but=r bur iyo kala danbayn la’aan, loona guurayo hanaan dowladnimo iyo fedreraalism”. Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Cabdicasiis laftagareen.
“nabadda waxay udub dhexaad u tahay dowladnimada iyo horumarka dal barwaaqo oo leh tii aan anaga u helnay nasiib, idinkana iminka waxaad haysataan bilaaw jiilkii idinka horeeyay ee inaga naga danbeeyay helin, sidaasi darteed u istaaga kuligiin ilaalinta iyo hirgalinta dowladnimada iyo federaalismka ee Dowlad goboleedka KGS qayb ka tahay”.
Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS oo hal-abuurtay mashruucan awoodaynta dhalinyarada ayaa ah mid durbadiiba iyadoo dhalinyaradii ka qayb gashay u kala caraabin deeganadoodii la soo ifbaxay yaddadiilo muujinaysa in uu ah mashruuc unkiddiisii mira dhalay oo wax ku ool ah isla markaana ku dhiirinaya dhalinyarada in fahmaan awoodahooda qarsoon balse hadda ay ku barteen madasha, waxaan laga filayaa sida ay balan qaadeen dhalinyarada marka ay ku noqdaan degmooyinkii iyo goboladii ay ka yimaadeen in ay usii gudbiyaan dhalinyarad kale ee nasiibka u yeelan in ay ka soo qayb galaan madashan Baydhabo lagu soo afmeeray.