Kulan Si wada jir ah ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah musharixiinta madaxtinimo ee Maamul Goboleedka Jubaland oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo oo Xarun Ku meel Gaar u ah maamulkaasi waxaa ay kaga soo hor jeesteen Gudiga Doorashada Madaxweyne ee Jubbaland iyagoo ku eedeeyey gudigan in Shaqsi Gaar ah uu wato.
Musharixiinta Ayaa Yiri guddigan doorashada Ma Ahan Kuwo dhex dhexaad ah,isla markaana Madaxweynaha Jubbaland ee hadda Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu Kaliya Maamusho siduu rabana Ka yeelanayo ,Axmed Madoobena uu Afduubtey doorashada Jubbaland,
Afhayeenkii hore ee maamulka jubbaland ahna musharax madaxweyne C/naasir Seeraar ayaa waxa uu sheegay in habraacyadii doorashada iyo nidaamka sugidda amniga ay u afduuban tahay madaxweyne Axmed Madoobe
Gudiga Doorashadana in shaqsi gaar ah uusan lahaan Karin sida ay hada wax kuwadaana ay tahay mid keeni karto Cawaaqib xumo ka dhalata Doorashada Jubbaland .
Dhanka kale Musharax M/weyne Maxamed Yuusuf Aw-Daahir Marsheeye ayaa dhankisa waxaa uu timaamey in Dhamaan Musharaxinta Jubbaland ay Ka mideysan yihiin Go’aanka ay ka qaateen gudiga doorashada ayna aqbali doonin wax alaala wixii ay soo Saaraan Gudigan doorasho ee magacaaban .
Wuxuuna ku baaqey in la sameeyo gudi doorasho xalaal ah oo umada reer jubbaland Dowlada Dhexe ee fadaraalka iyo dhamaan beesha caalamka ay aqoonsan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayey aheyd markii Gudiga Doorashada jubbaland ay soo saareen Shuruudaha laga rabo Musharixita u taagan Kursiga Madaxtinimo ee Jubbaland iyo Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Jubbaland .